Maxaa keenay in uu Turkigu ka maqnaado kulanka Jabuuti? (Xog rasmi ah & Maraykanka oo….)

0

(Jabuuti) 15 Juun 2020 – Waxaa shalay Jabuuti ka bilowday shir looga wada hadlayo qaddiyadda Somaliland, kaasoo ay ka qayb geleeyso DF Somalia, waxaana haddaba maanka dadka usoo degdegtey waxa ku dhacay Turkiga oo ahaa dalkii garwadeenka ka ahaa kulamadii hore.

Haddaba, Hadalsame Media ayaa fahamsan in Turkiga iyo dalka Norway oo wada xaajoodka lagu sooo biiriyey kaddib markii ay Somaliland codsatay dal kale oo aan Turkiga ahayn oo ”dhexdhexaad ah”, sida ay qabaan, uu Maraykanku markan sheekadii oo idil ka dul qaaday.

”Maraykanka oo arrinta si dhab ah imininka ugu jira, ayaa la wareegey wada xaajoodka DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, isaga oo labada dhinac ku cadaadinaya inay heshiiyaan, si ay Soomaalidu uga faa’iidaystaan nacfiga iyo nolosha ceegaagta dalka ay baahida ugu dhimanayaan qorshe xumo darteed iyagana looga macaasho,” ayuu yiri qof diidey in magaciisa la xigto.

TURKIGU MIYUU ARRINTAN KA XUN YAHAY? Maya, qayb ahaan maya, waayo waxay markale wada hadallada kusoo noqon doonaan wareegyada iyo marxaladaha xiga, maadaama aanay wax kastaahi fadhigan ku dhamaan karin farsamo ahaan, waana isku waafaqsan yihiin arrintan, sida aannu xogtan ku heleeyno, marka laga reebo inuu Maraykanku dalbaday inay iyaga iyo Soomaalida isu arag daayaan melaygan maanta ah.

Shirka ayaa haatan u gudbey wareeg kale iyada oo ay labada dhinac iska saarayaan guddi farsamo oo howsha sii wadi doona, waxaana sidoo kale markale kulanka kusoo noqon doona Guddigii Wada-xaajoodka ee hore, si looga wada hadlo waxyaabo fara badan.

Hadalsame Media