War Murtiyeed rasmi ah oo soo baxay & khalad dhacay oo la saxay (Tillaabada xigta)

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – DF Somalia ayaa ganafka ku dhufatay War Murtiyeed kasoo baxay kulanka Jabuuti oo lagu adeegsadey tibix sheegeysa in ay kulmeen laba dal.

DF ayaa diiddey wax ay ku tilmaantay kuwo wax u dhimaya madax bannaanida geyi iyo midnimada qaran ee Somalia, waxaana kelmadahaa ka mid ahaa; labada dal, labada shacab ee Somalia iyo Somaliland.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal kooban ku sheegay in:

1. War-murtiyeedka lagu faafiyay baraha bulshada aanu ahayn mid weli rasmi ah oo laga shaqeynayo sidii qoraal la isla ogol yahay usoo baxi lahaa.

2. Wadahadallada ayuu sheegay inay u dhaxeeyaan Dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland ee aanay ahayn wada hadallo dhex yaalla Somalia iyo Somaliland oo 2 dal ah, sida warbaahinta qaar ay faafinayaan.

Yeelkeede, iminka ayaa lasoo saaray War Murtiyeed rasmi ah oo aysan ku jirin tibxihii ay diiddey DF Somalia, iyada oo aan la sheegin wax 2 dal ah, balse lasaaray guddi sii wadaya wadahadalka, ee hoos ka akhri.

Hadalsame Media