SAWIRRO: Kulanka Jabuuti oo durba la guda galay (Qodobbo xasaasi ah oo lagu kala aragti duwan yahay & waxa isbeddelkan keenay)

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in uu shirku durba si toos ah u furmay qiyaastii saacad kahor, iyada oo ay albaabadu u xiran yihiin oo aanay jirin cid ka socota saxaafadda oo loo ogol yahay.

Ha yeeshee, ilo kulanka ku dhow ayaa tibaaxaya in ay wadahadal dheer gelayaan madaxda DF Somalia iyo Somaliland, Jabuuti, Itoobiya & Mareykanka, iyada oo toos loo abbaarayo ajendaha ugu muhiimsan kulanka.

Xogu waxay sheegaysaa in Somaliland, ay mabda’iyan ”ogoshahay inay ka mid noqoto nidaam ka dhexeeya dalka Somalia, balse ay wadato shuruud ah in dalka lagu maamulo nidaamka loo yaqaanno Confederation-ka, oo ay iminka ku dhaqmaan laba dal oo qura oo kala ah UK iyo Tanzania & Zanzibar.

Yeelkeede, waxaa arrintaa ganafka ku dhufatay oo aan ogolayn DF Somalia, oo doonaysa in lagu dhaqmo nidaamka Federaalka oo loo qaybinayo laba gobol oo kala ah woqooyi iyo koonfur.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaadi doonaa umuurta dayn-cafinta Somalia, iyada oo haddii la isku raaco ay Somaliland heleeyso 240 milyan oo doollar oo afka hore ah.

Waxaa kale oo laga arrinsan doonaa arrimaha Baasaboorka, hawada Somalia iyo arrimo kale oo ay ku jiraan maalgashiga iyo mashaariicda hormarinta ah. Waxaa sidoo kale kulanka ajendihiisa ka mid ah iskaashiga Gobolka Geeska Afrika oo isna ah qodob xasaasi ah.

MAXAA IS BEDELEY? Waloow aan la hubin halka ay waxan oo dhami ku dambayn doonaan, misna muusiggan cusub ee beryahan soo shaac baxay ee ku saabsan in laga wada hadlo midnimo buuxda oo ay Somaliland qayb ka tahay, ayay dadku si shaki ku jiro ku qaabileen.

Ha yeeshee, sida ka muuqata warka Dr Cabdullaahi Cabdiraxmaan Baarriyoow oo ah Guddoonka Guddiga Wada-xaajoodka, waxaa la gartay in arrintan kor laga soo bilaabo, iyada oo ay sideedii usii socoto in sidoo kale hoos laga wado, waana marsho cusub oo mar qura la geliyey qaddiyaddan oo mar u muuqatey mid laga quusay ah, waloow ay weli waqti qaadan doonto, si kastaba.

Hadalsame Media