DEG DEG: Madaxwaynihii Burundi oo qaab soo booddo ah u geeriyoodey

0

(Bujumbura) 09 Juun 2020 – MW Burundi ee Pierre Nkurunziza, oo 55-jir ahaa ayaa qaab soo booddo ah u xijaabtey, isaga oo u dhintay wadnaha oo istaagey, sida ay Dowladdu sheegtay.

War kasoo baxay Dowladda oo rasmi ah ayaa lagu sheegay in Madaxwaynaha isbitaalka loo dhigay Sabtigii kadddib markii uu xanuun dareemay.

Deeto xaaladdiisa ayaa woxoogaa soo hagaagtey, balse Isniintii shalaytoole ayaa wadnaha looga dhegey isla markaana waxaa guuldarraystay dadaal kasta oo caafimaad oo lagula tacaalayey.

Nkurunziza ayaa lagu wadey inuu xilka iskaga dego 15-ka Agoosto ee soo aaddan, kaddib markii uu xilka ku dangiigey muddo 15 sanadood ah.

Hadalsame Media