Fal ay samayn jireen oo laga mamnuucay Booliiska & arrin cusub oo lagu waajibiyey (Haddii aad tahay Soomaalida Minneapolis fadlan akhri)

0

(Minneapolis, MIN) 06 Juun 2020 – Booliiska Minneapolis ayaa laga mamnuucay inay ceejiyaan ama qoorta ka qabtaan marka ay xakamaynayaan dadka ay soo xirayaan, sida ay isku raaceen Madaxda Dowladda Hoose iyo Qaybta Gobolka Minnesota ugu qaybsan Xuquuqda Aadanaha kaddib dhimashadii George Floyd.

Heshiiskan cusub oo KMG ah una baahan in ay maxkamaddu soo ogolaato, ayaa saraakiisha u diidaya inay “qooryo sagaaro” adeegsadaan ama qofka ceejiyaan, waxaana booliiska la faray in lagu leeyahay “waajib sheegitaan” haddii ay arkaan qof arrintan samaynaya.

Waxaa intaa dheer, in askari kasta oo arka mid kale oo adeegsanaya awood xad dhaaf ah oo aan sharci ahayn, xaq loo siiyey inuu arrintan soo farageliyo af ahaan iyo xitaa jir ahaanba.

Weliba waxaa kusii jirta “inaan la tixgelinayn garaaddaha askariga”, haddii ay taa yeeli waayaanna waxaa laftooda laga qaadayaa tillaabo anshax marin ah, iyaga oo ciqaabta la maraya tacaddiyaha 1-aad.

Tafaasiisha heshiiskan ayaa shalaytoole waxaa lagu faafiyey marrinada warfaafineed ee Booliiska, taasoo ay la wadaagtey Madaxa Golaha Minneapolis City, Lisa Bender.

Haddii aad Soomaali ku nool Minneapolis waa inaad ku baraarugtaa arrintan.

Hadalsame Media