Waa ayo cidda foowdeeysay khudbadda Madaxwaynaha dalka? (Laba dhinac oo farta lagu fiiqay)

0

(Muqdisho) 06 Juun 2020 – Waxaa sawaxan iyo foowdo ku dhamaatay khudbad uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedinayey kalfadhiga 7-aad ee Baarlamanka 10-aad.

Waxaa la isku khilaafsan yahay isha qalalaasaha, iyada oo ilo gudeed sheegayaan in ay xasaradda bilaabeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo orrin iyo miis garaacis mar qura isku daray, goortii uu Madaxwaynuhu khudbadda bilaabay.

Waxaa la arkayey Xildhibaannada qaar, sida Sanyare oo xitaa Firimbi soo qaatay, si qalalaase loo geliyo Khudbadda Madaxwaynaha, taasoo ka dhan ah anshaxa iyo hab-raac hoosaadka Baarlamanka.

Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey.

Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa jirta arrin kale oo sheegaysa in ay qaylada ka qayb qaateen saxaafadda madaxa bannaan oo ka caraysnaa in woxoogaa lagu adkeeyey inay madasha soo xaadiraan, iyada oo la faray inay tebinta iyo soo duwidda u daba fariistaan TV-da DF ee SNTV, taasoo ah arrin sharci darro ah.

Guddiga Nidaaminta Baarlamanka ayaa isku dayey inay arrintan xalliyaan, kuwaasoo ugu dambayn ku guulaystey inay khudbaddu sii socoto.

Hadalsame Media