Wakaaladda Wararka ANSA oo raalli gelin buuxda siisay Silvia Romano (Maxa ka bi’isay?)

0
Italian aid worker, Silvia Romano, wearing a Somali garb and face mask, covers her face leaving a beauty center, at the end of her compulsory quarantine in Milan, Italy, 25 May 2020. The beauty centeris the first destination chosen by Silvia Romano at the end of the 14-day quarantine, taken when she returned home to Milan on 11 May after being kidnapped for a year and a half between Kenya and Somalia. ANSA/MATTEO BAZZI

(Milano) 27 Maajo 2020 – Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa raalli gelin siisay gabadha Silvia Romano oo ay baahisey markii ugu horreeysey ee ay gurigeeda ka baxday.

”Runtii inay (Caa’isha) guriga ka baxeysey markii ugu horreeysey muddo sanad iyo bar ah oo xorriyadda laga qaaday, waa wax sida cad war ah, inaan sheegnana waana qayb shaqadeenna ka mid ah,” ayay tiri ANSA.

”Balse habka aannu u faafinnay, ama muuqaallada aannu doorannay ma aha kuwa ka tarjumaya heerkeenna iyo doorka nalaka filayey haddii aan nahay ANSA,” ayay raacisay ANSA.

”Khalad baannu galnay, waxa kaliya ee macquul ihina waa in aanu qirannaa ka laba-labayn la’aan. Haddii aannu dhaawacnay dareenka Silvia Romano iyo kan akhristayaasheenna raalli gelin baan ka bixinaynaa.” ayay kusoo afjareen.

ANSA ayaa soo bandhigtay saacaddii ay guriga ka baxday oo ahayd 15:04 galabnimo kaddib 14 berri oo karaantiil ah iyo xitaa dharkii ay wadatey oo aad sawirka ka aragtaan, waxaana lagu tilmaamay arrin halis gelin kartey amaanka gabadha.

Hadalsame Media