SAWIRRO: Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo meel wanaagsan soo gaarey (Maxaa u harsan?)

0

(Muqdisho) 27 Maajo 2020 – DF Somalia ayaa meel wanaagsan marinaysa dayactirka Garoonka Istaadiyo Muqdisho, kaasoo iminka la dhigayo cowska macmalka ah, howlo kalena laga hayo.

Garoonkan oo ay dhismihiisa gacan ka gaysanayso FIFA iyadoo uu maalgelinayo Midowga Yurub ayaa waxaa soo baxay quruxdii garoonkan oo weli ka mid ah kuwa ugu waawayn qaaradda Afrika.

Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo ku dhex yaalla tuulada ciyaaraha ayaa waxaa haatan u harsan waxyaabo yar yar oo ka mid yihiin in lagu dhamaystiro dhigista cowska macmalka ah, kaddibna waxaa la rakibayaa saacaddii waynayd, sida ay Hadalsame Media u sheegeen ilo ku dhow garoonku.

Waxaa se woxoogaa howsha waabiyey oo kala gooyey cudurka Covid-19 oo hakiyey shixnado muhim u ahaa dayactirka garoonkan, kaddib markii la hakiyey duullimaadyadii caalamiga ahaa, gaar ahaan kuwa sida shixnadaha aan daruuriga ahayn.

Hadalsame Media

Facebook Comments