Ilhaan Cumar oo Turkiga weerar ku qaadday (Arrimo is diidaya oo ay ku dhaqaaqday)

0

(Washington, DC) 25 Maajo 2020 – Xildihibaannadda Ilhan Omar (D-Minn.) ayaa saxiixday warqad kale oo ka dhan ah dal Muslim ah kaddib middii AIPAC ee lidka ku ahayd Iiraan, iyadoo ay tani ka dhan tahay Turkiga oo ay sheegtay inay dhibaato ku hayso “weriyeyaal, gayfanayaal iyo maxaabiis siyaasadeed” xilli lagu dhex jiro cudurka coronavirus.

Warqaddan oo uu keenay David Trone (D-Md.) ayaa Wasiir Dibadeedka Mike Pompeo waydiisanaysa inuu “ku adkaysto” in Turkigu uu maxaabiista siyaasadeed ku daro dadka ay xabsiga ka daynayaan coronavirus dartii.

Warqadda ay Omar saxiixday ayaa dad badan ka yaabisay maadaama bishii Oktoobar ee sanadkii hore isla iyadu ay difaacaysey Turkiga oo lagu haystey meel ka dhacyo xuquuqda insaanka ah.

“Weerarka Turkey ee ka dhan ah weriyeyaasha iyo mucaaradka siyaasiga ah waa dhibaato asaasi ah, mana aha in lasii hayo iyada oo maxaabiista kale lasii daynayo” ayaa ku dhigan warqaddan.

Ilhaan ayaa bishii Maarso la kulantay wefdi ka socda Xisbiga ugu wayn Kurdiga ee HDP, kaasoo ay madaxdiisa sare sida Selahattin Demirtaş iyo Figen Yüksekdağ ay xabsiga ku jiraan iyaga oo ku eedaysan falal argagixisannimo.

Ilhaan ayaa lagu dhaliilaa inay ku socoto siyaasad aan jiho toos ah lahayn, isla markaana cadaawad badan u sameeynaya Soomaalida Maraykanka iyo tan caalamka, taas oo marba meel ku dhacaysa xeerintuna ku liidato, tusaale ahaan, tiiyoo ay bilowgii u ekayd qof isbeddel doon ah oo ushii koowaad ku dhufatay ururka Israel wax u qalqaaliya ee AIPAC, waxay horraantii bishan saxiixday warqad ay wadatey isla AIPAC.

Waxay sidoo kale ka codaysay mooshin Somalia looga dhaafi lahaa qaan balaayiin ah oo uu ku leeyahay dalka Maraykanku, waloow uu meel maray.

Iminkana, Turkiga oo ay bishii Oktoobar ku difaacaysey meel ka dhacyo xuquuqul insaan ah, sida xasuuqii Armenia ayay ku dheggan tahay.

Ilhaan ayaa sidoo kale kasii go’eeysa guruubkii garabka u ahaa oo ah 3 gabdhood oo kale oo isbeddel doon ah oo ka wada tirsan dadka laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Hadalsame Media