SAWIRRO: DF oo kaddib Kenya caddaysay dalalka ay kasoo daad-guraynayso Soomaalida ku go’doonsan (Arag 3-da dal ee ku xiga)

0

(Muqdisho) 22 Maajo 2020 – DF Somalia ayaa ku howllan sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa muwaadiniin ku xanniban  dalalka Pakistan, Imaaraadka iyo Turkiga tan markii uu bilaawday cudurka safmarka ah ee afeeyay caalamka covid-19 kaasi oo sababay in  hakad lageliyo dhammaan  isku socodkii dunida.

Muwaadiniinta ayaana isugu jira arday,ganacsatada iyo kuwa kale ee caafimaadka uu aaday dalka dibaddiisa waxaana dowladda ay sheegtay in dalka dib loogu soo celiyo iyadoo laga taxa dirayo qatarta iyo faafitaanka cudurka Covid-19.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Maxamed Cali Nuur, oo ka hadlayay muwaadiniin soomaaliyeed oo shalay  laga keenay wadanka Kenya in si la mid ah la keeno doono kuwa kale oo ku xaniban qaar ka mid ah wadamada Caalamka oo ay ugu horeeyaan dalalka Pakistan, Imaaraadka iyo Turkiga.

“Waxaan keeni doonoo muwaadiniin kale oo ku xaniban dalalka Pakistan. Imaaraadka iyo Turkiga waxaana Dowladda Soomaaliyeed ay shaqeyneysaa bad-qabdka guud ahaan shacab weynaha Soomaaliyeed iyagoo laga taxadarayo cudurka safmarka ah ee Caalamka aafeeyay ee Covid-19,” Ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Nuur Xoghayaha joogtada ee wasaradda arrimaha dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay 114 muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo daad-gureeysay wadanka Kenya oo ay in muddo ah ku xayirnaayeen sidoo kale dhawaan ayay aheyd markaa ay si la mid wadan turkiga ka keentay ku dhawaad 100 muwaadiniin ah oo iyane ku xayirnaa wadanka Turkiga.

Hadalsame Media