Dayuurad rakaab fara badan siddey oo ku burburtay Pakistan & xogtii u dambeysey (TOOS u daawo)

0

(Karachi) 22 Maajo 2020 – Dayuurad ay leedahay Pakistan International Airlines (PIA) oo kasoo duushay Lahore una socotey Karachi ayaa ku burburtay meel u dhow Garoonka Karachi, taasoo ay siddey 99 rakaab ah.

Dayuuraddan oo ku burburtay xaafad dadwayne oo la yiraahdo Model Colony oo ku taalla afaafka magaalada, isla markaana 2 KM u jirta Garoonka Ali Jinnah International Airport ayaa waxaa iminka ku sugan gaadiidka birmadka.

Dayuuraddan ayaa samaynaysey duullimaadka PK 8303 waxaana saarnaa 99 rakaab ah iyo 8 shaqaale ah, iyada oo ahayd nooca Airbus A320 oo 15-sano shaqayneysey. Waxaa la sheegay inay ku wada dhinteen dhamaanba 107 qof oo la socdey.

Webka Dawn ayaa qoraya in Wasiirka Dowladda Degaanka Sindh ee Syed Nasir Hussain Shah uu goobtan u dalbay guutada Dab-damiska iyo kooxaha wax samata bixiya.

Waxaa sidoo kale goobta gaarey Ciidamada Xoogga Pakistan, kuwooda jawaabaha deg degga ah bixiya, si ay gurmad u sameeyaan.

Afhayeen u hadlay PIA ayaa sheegay inaan weli la caddayn karin waxa sababay shilkan.

Hadalsame Media