Turkish Airlines oo wax ka bedeshey goorta ay bilaabayso duullimaadyada & 19 dal oo ay ku bilaabayso (Somalia maku jirtaa?)

0

(Istanbul) 21 Maajo 2020 – Calan-sidaha dalka Turkey, Turkish Airlines (THY) ayaa wax ka bedeshey qorshihii hore iyadoo dheereysay xilliga ay dib u bilaabayso duullimaadyadeeda, cudurka faafa ee coronavirus dartii.

Duullimaadyada TA ayaa sugi doonaa ilaa 4-ta bisha Juun ee soo aaddan, sida ku cad war kasoo baxay sharikadda.

Turkish Airlines (THY), oo sanadkii tegey dunida u kala duulisay 74 milyan oo rakaab ah, saldhiggeeduna yahay Istanbul, ayaa horay 28-ka bishan Maajo u qabatay xilliga laga yaabo inay dib u kiciso dayuuradeheeda rakaabka ah ee sameeya duullimaadyada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

THY ayaa horraantii bishan dejisey hab-raac qabyo ah oo ay ugu tala gashay duullimaadyada ay samayn doonto bilaha Juun, Luulyo iyo Agoosto.

Sida ku cad qorshahan oo dhaqan gelaya bisha Juun, Turkish Airlines waxay bilowgii u duulaysaa 22 meelood oo ku yaalla 19 dal oo kala ah:

Canada, Kazakhstan, Afghanistan, Japan, China, South Korea, Singapore, Denmark, Sweden, Germany, Norway, Austria, the Netherlands, Belgium, Belarus, Israel, Kuwait, Georgia iyo Lubnaan, taasoo ah 75 duullimaad todobaadkii. Waxaan ku jirin Somalia.

Waxay deeto soo celinaysaa 60% ka mid ah duullimaadyadeeda maxalliga ah, iyadoo kuwa kale ku daraysa Luulyo iyo Agoosto.

Waxaa sidoo kale kordhaya kuwa caalamiga ah oo Luulyo ka kacaya 103 gaarayana 572, kaddibna ilaa 937 bisha Agoosto, tiiyoo ay wax kastaahi ku xiran yihiin duruufaha durayga Covid-19.

Hadalsame Media