Kaalintee Somalia uga jirtaa kaabayaasha caafimaadka ee dalalka caalamka (Hal arrin oo rejo ka muuqato oo socota)

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2020 – Somalia waa dal ka mid ah kuwa dunida ugu liita marka ay timaaddo la xaalidda caabuq sidaha coronavirus, sida ay sheegtay hay’ad xogaha ururisa oo Maraykanka deggan oo la yiraahdo RAND.

Hay’addan oo diiwaan gelisa sida ay dalalku ugu kala nugul yihiin cudurrada ee caalamka, ayaa Somalia gelisey booska 194-aad, tiiyoo ay jirto in tirada guud ee ay soo saartay uu ahaa 195 dal, taasoo ka dhigan inay Somalia tahay dalka 2-aad ee dunida ugu liita dhanka caafimaadka, gaar ahaan la tacaalidda cudurrada faafa, sida ku cad Johns Hopkins Global Health Security Index sanadkii 2019-kii.

Dhibaatada Somalia ka haysata la tacaalidda caabuq sidaha coronavirus iyo ka fal-celintiisu ma aha kaliya la’aanta agab caafimaad iyo saanad, balse waxaa adag dhaqan-gelinta tillaabooyinka ka hortagga ah.

Kala fogaynta bulshada, adeegsiga gafuur-saabka iyo in guryaha lagu shaqeeyo ayaa ah arrimo aan inta badan suurtagal u ahayn amaba aysan doonayn dad badan oo Soomaali ah.

Xitaa markii lasoo rogey bandow looga gol lahaa in lagu xakameeyo caabuqan faafaya, waxaa lagala hor tegey dibad baxyo rabshado wata.

“Dadku inta badan kuma camal falaan tilmaamaha caafimaad, kalama sikadaan, gafuur saabna ma xirtaan,” ayay tiri Dr. Deeqa Maxamed. “Mana ka celin karno dibedda maxaa yeelay nolol-malameedkooda oo ah 2-3 doollar ayaa uga xiran.” ayay daba dhigtay.

Dr Deeqa ayaa se sheegtay hal arrin oo rejo yari ka muuqato, taasoo ah in ”muddo 14 sano ah oo ay caafimaadka ka shaqaynaysey ay maanta Dowladdu waydiinayso inay qorshe caafimaad dejiyaan”, taasoo ay ku sheegtay isbeddel loo baahan yahay iyo natiijada qura ee fiican ee kasoo baxday cudurka Covid-19, iyada oo diiradda la saarayo dadka nugul, jeer ay Somalia ku barakacsan yihiin 2.6 milyan oo qof.

“Waa markii ugu horreeysey ee diiradda la saarayo isbeddel dhaca. Waxaan doonaynaa in aannu hubaal ka dhigno in fursaddan loo adeegsado dib u habaynta hannaanka caafimaad ee Somalia,” ayay tiri Dr Deeqa oo u warrantay Al Arabia English.

Jaamacadaha waawayn ee Yale University iyo University of Cambridge ayaa iminka iyaga oo la shaqeeynaya DF waxay daraasad ku wadaan caafimaadka dadka ku barakacay agagaarka Muqdisho (IDPs) ee ku nool xeryo aanu faya-dhowrkoodu fiicnayn.

Hadalsame Media