”Waa dalka ugu liita!” – Sucuudiga oo qoraal digasho ah ka qoray silaca Somalia ka haysta la tacaalidda Covid-19 (Xafiiska RW Khayrre oo ay soo xigteen)

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2020 – Warqaadka Saudi Gazette oo ku hadla afka Boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”15 milyan oo hal isbitaal leh!”, taasoo uu musiibo caafimaad ku tilmaamay, jeer ay Somalia la tacaalayso caabuq sidaha COVID-19 oo ay u maaro la’dahay.

Warqaadka ayaa intaa raaciyey in isbitaalka qura ee u qalabaysan la tacaalidda karoonuhu uu yahay mid ku yaalla caasimadda Muqdisho, kaasoo ay yaallaan 20 sariirood oo qura oo ah kuwa loogu tala galay bukaannada ku jira qaybta Daryeelka Degdegga ah (ICU), kaasoo laftiisa iminka uun la sameeyey, sida ay sheegtay Dr. Deeqo Maxamed, oo ah dhakhtarad ka tirsan isbitaalkan oo aan magaciisa la sheegin.

“Waxaan hadda maraynaa wax ka badan 1,400 oo kiis qiyaastii 70% dadka aan baarnana waxaa laga helaa cudurka. Tani waxay muujinaysaa sida ay xaaladdu u ba’an tahay,” ayay tiri Dr. Maxamed, oo uu wargaysku usoo xigtey inay sidoo kale la taliye caafimaad u tahay RW Khayrre, oo waraysi siisay Al Arabiya English.

Waxay intaa raacisey inuu aad u liito agabka caafimaad ee la heli karo, iyadoo tusaale usoo qaadatay in mashiinnada wax lagu baaro ee PCR ay dalka dhan 4 xabbo ka yaallaan, marka kuwa kale la helana – waxay qalab ka sugayaan WHO – ay tahay jeer ay xeero iyo fandhaal kala dheceen, sida ay sheegtay.

WHO ayaa bishii tagtay sheegtay inay Afrika noqon karto xuddunta xigta ee cudurka karoonaha, iyadoo ay Somalia hadda tahay dalka 2-aad ee ugu kiisas badan Bariga Afrika oo idil, kaddib Jabuuti.

Hadalsame Media