TUUG SAALAX? Tuugo soo xiratey maasgare lagu shabahay wejiga Maxamed Saalax oo la qabtay iyagoo wax dhacaya!!

0

(Qaahira) 20 Maajo 2020 – Afar nin ayaa lagu xirey magaalada Qaahira kaddib markii ay adeegsadeen maasgare loo ekeeysiiyey wejiga jookarka Liverpool ee Maxamed Saalax, si ay wax uga dhacaan dukaamada.

Nimankan ayaa markii ay Booliisku qabanayeen waxay dhici rabeen dukaanno ku yaalla jidka Hassanein Heikal Street, ee xaafadda Nasr City ee magaalada Qaahira.

Waxaa yaab lahayd in afarta ninba ay wejiyadooda ku qariyeen maasgaraha wejiga laacibka Liverpool, oo ah nin shacbiyad ballaaran ku leh dalkiisa Masar.

Tuugadan ayaa isku dayday inay baxsato markii ay Booliiska sheedda ka arkeen, balse gebigood waxaa lagu guulaystey in lasoo xir xiro.

Hadalsame Media