Olole shacbawi ah midkii ugu waynaa oo Imaaraadka ka dhan ah oo Twitter-ka ka socda & cidda wadda (Bilyan ka badan ayaa faafisay)

0

(Ankara) 20 Maajo 2020 – Waxaa Twitter-ka ka socda Hashtag la yiraahdo ”Qaadaca Imaaraadka” oo uu bilaabay nin Turki ah oo la yiraahdo Ali Keskin.

Keskin ayaa dadwaynaha Pakistan ugu abaal sheegtay inay shuruud la’aan Turkigu ku taageeraan qadiyadda Kashmiir, xitaa markii ay Hindiya ugu hanjabtey cunaqaqabataynna aysan u juuqin, sidaa darteed, Pakistan laga doonayo inay qaadacdo Imaaraadka oo uu ku eedeeyey mid RW Hindiya ee Modi u hogta isla markaana taageera.

Hashtag-gan ayaa markiiba shacbiyad yeeshay iyada oo ay faafiyeen 1.2 bilyan oo qof muddo ka yar 72 saacadood, taasoo ah tiro aan caadi ahayn ayaa weli soconaya.

Waxyaabaha kale ee lasoo jeediyey waxaa ka mid ah in aan la iibsanin waxyaabaha ay Hindiya soo saarto sida gawaarida TATA, isla markaana aan la booqanin, inta ay silcinayaan dadka Muslimiinta ah.

Halkan hoose ka eeg…

Hadalsame Media