DEG DEG: Ciidamada GNA oo Xaftar kala wareegey saldhig-cireedka Al-Watiya Air Base

0
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-06-19 14:21:23Z | | ÿÿÿ ÿuÃ./·/

(Tripoli) 18 Maajo 2020 – Ciidamada Dowladda la aqoonsan yahay ee GNA ee Libya ayaa si rasmi ah ula wareegey saldhig cireedkii beryahan lagu dagaallamayey ee Al-Watiya, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidanka Khaliifa Xaftar oo dorraad looga burburiyey hannaanka Panstir.

Waxaa wacaalkan shacabka la wadaagey RW Fayez al-Sarraj waana guul ay gaareen ciidamada GNA oo muddo bil ah la gardamayey kuwa LNA oo haatan dib looga qabsaday inta badan Galbeedka Libya.

Xaftar ayaa guud ahaan se weerarka bilaabay bishii Abriil 2019 isagoo hollinayey inuu qabsado caasimadda Tripoli, taasoo keentay inay dhintaan in ka badan 1,000 rayid ah.

Dagaalka Libya oo u qaab eg midkii Somalia ayaa waxaa shidaya cududo shisheeye, tusaale, waxaa Xaftar gadaal ka riixaya Imaaraadka, Masar, Ruushka iyo xitaa Faransiiska iwm, halka Dowladda Libya uu caawinayo Turkigu.

Hadalsame Media