Turkiga oo dhisanaya hannaanka MK-41 ee tuura sawaariikhda JOOGGA ah (Halka uu u adeegsanayo)

0

(Istanbul) 18 Maajo 2020 – Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykaykanka ayaa sharikadda Ingiriiska saldhigata ee BAE Systems qandaraas ku siisay samaynta hannaanka laga tuuro gantaalada joogga ah ee  MK-41 Vertical Launch System (VLS), kaasoo sida ku cad warka Pentagon ay Turkigu qayb ku leeyihiin.

Warka ayaa u dhigan in 68% ka tirsan qandaraaskan oo ku kacaya $42.8 milyan oo doollar ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka, 11% waxay u dalban tahay Japan, min 6% waxaa qaadanaya Australia, Norway iyo Netherlands halka Turkigu uu dalabkan ku leeyahay 3%.

Naqshadda hannaankan ayay leedahay sharikadda Maraykanka ee Lockheed Martin, balse weli lama sheegin tirada inta xabbo ee la samayn doono, waloow soo saarista lasoo afjari doono Luulyo 2023-ka.

Maraakiibta dabaqadda 1-aad ee frigates ee uu ku xiran yaha hannaanka MK-41 Vertical Launch Systems ayaa waxay awood u leeyihiin difaac cireed joogga dhexe ah.

Hannaankan ayaa badiyaa ku yaalla markabka qaybtiisa hore, isagoo leh afaf furmaya marka la doonayo in la rido gantaalaha ku cabbaysan oo ku qarsan khanka hoose ee markabka.

Turkiga ayaa hannaankan oo ay farsmo yari uga harsan tahay ku xiri doona TCG Istanbul, oo ah maraakiib dagaal oo uu isagu sameeysto oo ay haatan qaar ku shaqaystaan Ciidamada Badda dalkaasi, qaarna weli la dhisayo.

Turkey, oo sidoo kale iskii u sameeysanaya hannaankan MK ayaa doonaya inuu ku xirto maraakiibta frigates-ka ah ee TCG İzmir (F-516), TCG Izmit (F-517) iyo TCG İçel (F-518).

Hadalsame Media

Facebook Comments