Turkiga oo albaabbada u furaya bukaannada ka imanaya 31 dal oo ay Somalia ku jirto (Bukaannada la aqbalayo & taariikhda)

0

(Ankara) 16 Maajo 2020 – Turkey ayaa aqbali doona bukaannada ka imaanaya dalal gaaraya 31 dal wixii ka bilowda 20-ka bishan Maajo, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda ayaa lagu sheegay shuruudaha iyo xaaladaha lagu aqbalayo bukaannada, soo gelitaanka dalka, dawaynta, ka bixitaanka isbitaalka iyo karaantiilka.

Waxaa dalalkaa ka mid ah: Iraq, Libya, Azerbaijan, Georgia, Turkmenistan, Uzbekistan, Kazakhstan, Greece, Ukraine, Russia, Djibouti, Algeria, Kosovo, Macedonia, Albania, Bosnia and Herzegovina, Romania, Serbia, Bulgaria, Moldova, Somalia, Kuwait, Qatar, Bahrain, Oman, Germany, the UK, the Netherlands, Pakistan, Kyrgyzstan, iyo Turkish Republic of Northern Cyprus.

Waxaa la qaabilayaa bukaannada qaba xanuunnada lafaha iyo dhaawacyada, qalliinnada guud, qalliinnada carruurta, kaadi mareenka, cudurrada indhaha, wadnaha, xididada wadnaha, burooyinka, cudurrada haweenka, burooyinka la gubayo, qalliinnada maskaxda iyo neerfaha, xannuunnada dhiigga la xiriira, dawooyinka ma dhalaysnimada, xubin tallaalista, talaalidda dhuuxa lafaha iwm.

Bukaannada ayaa laga diiwaan gelin doonaa  Hay’adda Adeegyada Caafimaad ee caalamiga ah ee International Health Services Inc. ama USHAS, taasoo ku dhawaaqi doonta ciddii la ogolaado.

Hadalsame Media