SAAMAYNTA KAROONAHA: Koox kartoonno ka dhigatay taageerayaal & dabaal degga karoonuhu keenay + Sawirro

0

(Gilcenkirchen) 16 Maajo 2020 – Waxaa dib usoo noqday Horyaalka Jarmanka ee Bundesliga tiiyoo ay kooxuhu ku dheelayaan garoomo faaruq ah karoonaha dartii. Yeelkeede, waxaa jirta koox keentay caqli niyad dhis ah.

Kooxda Borussia Moenchengladbach ayaa go’aansatay inay garoonkeeda maran ku buuxiso kartoomo ay u ekeysiisay taageerayaal, iyadoo u yeeshay wejiyada qaar ka mid ah taageerayaasheeda garoonka Borussia Park.

Borussi ayaa caawa fiidkii waxay wajahaysaa kooxda Eintracht Frankfurt waxaana durba tillaabadan oo kale min guurinaya kooxo ay ka mid yihiin Sunderland iyo Corinthians.

Dhanka kale, kooxda kale ee ay naanaysta wadaagaan ee Borussia Dortmund ayaa iyaduna kooxaha tustay sida loo dabbaal dego kaddib markii uu Haaland dhaliyey goolkii koowaad kaddib hakadkii karoonaha.

Waxaa la arkayaye laacibiinta oo isla dabbaal degaya iyaga oo kala fogaanaya, si ka duwan hab-dhaqameedkii la isu hab siin jirey si wadaraysan.

Borussia oo hadda 4-0 ku hoggaaminaysa Schalke 04 ayay laacibiinta kaydka fadhisa waxay sidoo kale xiran yihiin gafuur-saabka lagaga gaashaanto durayga Covid-19.

Hadalsame Media