DAAWO: ”Takfiirka Qardho ayaa iga dhacay 8 carruur ah & hooyadood!” – Nin qayladhaan u diray Puntland & DF

0

(Qardho) 11 Maajo 2020 – Nin ayaa sheegtay in carruur looga qaatay Degmada Qardho oo ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland, isagoo arrintan ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Takfiirka.

Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud Maxamed Cali Nuur oo qayla dhaan u kala diray Maamulka Puntland iyo DF Somalia, ayaa wuxuu xusay in sanad kahor ”8 carruur ah laga dhacay”, sida uu hadalka u yiri.

Wuxuu sheegay in dadka laga kaxaystay ay kala yihiin 8 carruur ah (5 wiil & 3 gabdhood) iyo hooyadood oo lagu daray gabar ay xaaskiisu nin kale usoo dhashay oo iyaduna 2 carruur ah haysata.

Maxamuud ayaa xusay magacyada dadka carruurta ka qaatay oo uu ku kala sheegay Nuur Cismaan Yuusuf Keenadiid iyo Cabdullaahi Nuur Cismaan Keenadiid oo dabcan wiilkiisa ah.

Wuxuu intaa raaciyey in ay mar is maqleen Nuur Cismaan oo deeto ku yiri ”Caruurtu wax bay kuu baranaysaa iska daa”, isagoo xusay in mar qura oo ay gudaha Puntland kasoo weceen uu u diray lacag 400 oo doollar ah, kaddibna uu maqlay in dhanka Xamar loo dhigay. ”Kolleey waxaan hayaa in Gaalkacyo la dhaafsiiyey.” ayuu yiri.

Ninkan oo la hadlayey warbaahinta maxalliga ah ee Qardho ayaa ku celceliyey baaq uu u dirayo hay’adaha amaanka ee Maamulka Puntland iyo kuwa DF oo uu ka codsaday inay arrintan dhaqse usoo farageliyaan.

Kooxaha Takfiirka ah ayaa aaminsan inaysan sax ahayn caqiiqada iyo Muslinnimada dadka aan iyaga ahayn, waxaana marar badan dhacda inay qoysas dhisan kala geeyaan.

Hadalsame Media ayaa isku dayey inuu la xiriiro dhinaca kale ee ay sheekadani khuseeyso, balse weli nooma suuragelin in aannu helno.

Hadalsame Media