Waalidiinta oo aan loo ogolaan doonin in ay carruurta gaari iskuullada ku geeyaan (Sabab?)

0

(London) 11 Maajo 2020 – Jidadka ayaa si KMG ah loo xirir doonaa xilliyada iskuulka lagu jiro, taasoo qayb ka ah tillaabooyinka xakamaynta durayga dilaaga ah ee coronavirus.

Tillaabadan cusub ayaa meesha ka saari doonta inay waalidiintu carruurtooda gaari ku geeyaan iskuulka, si loo dhimo diqoowga hawada ku hareereysan iskuulka, loona dhiirri geliyo lugaynta iyo baaskiilka.

Magaalooyinka London iyo Manchester ayaa durba qorshahan diyaariyey, xilli la doonayo inay la fududeeyo handaraabka saaran Britain.

Will Norman ayaa The Observer u sheegay in “ujeedku yahay in la xadido gawaarida imanaysa hareeraha iskuulka, si ay dadku si badbaado leh ugu tagaan iskuulka“, si ay nadiif iyo naqi u ahaato hawada ay carruurku ku neefsanayaan.

Waxaa maalintii 2 jeer la xiri doonaa jidadka gala ama ka baxa iskuullada, iyadoo ay dhici karto in arrintan ay ku dhaqmaan iskuullada iyo maamullada maxalliga ah ee dalka Ingiriiska oo idil.

Hadalsame Media