Saxaafadda Turkiga oo ku ”xarragoota” sawirka gargaarka uu Turkigu gaarsiiyey Somalia (Maxaa dhacay?)

0

(Ankara) 10 Maajo 2020 – Saxaafadda Turkey oo aad wax uga qortay gargaarka Covid-19 ee uu Turkigu gaarsiiyey Somalia ayaa si gaar ah waxay shixnadda Somalia la geeyey ugu adeegsataa marka ay wax ka qoreeyso xitaa kaalmada ay geeyaan dalalka kale, jeer ay Turkigu kusoo bexeen dalka kaalmada ugu badan ka gaystey caalamka xilligan karoonaha.

TRT, Daily Sabah iyo mareego kale ayaa wararka ku saabsan kaalmada uu Turkigu siinayo dalalka dibedda ee dhanka Covid-19 waxay tusmo uga dhigaan sawirka shixnad uu beri dhowayd Muqdisho ka dejiyey Turkigu.

Saxaafadda Turkiga ayaa kaalmo la gaarsiiyey dalal ay ka mid tahay Poland iyo maqaallo guud oo ku saabsan gargaarka Covid-19 dul saartay sawirka shixnadda Somalia.

Turkiga oo haatan kaalmo gaarsiiyey ugu yaraan 60 dal, ayaa kaalmadii ugu dambeeyey u duuliyey Kazashtan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga oo raacaysa amarka MW Tayyip Erdoğan.

Turkiga ayaa 3 duulliimaad oo gargaar ah ka dejiyey Somalia, kuwaasoo ay kii u dambeeyey ku jireen neef-siiyeyaasha muhimka u ah cudurka karoonaha oo iminka diley 269,600 qof caalamka, isagoo haleelay 3.84 milyan oo qof ay 1.28 milyan kasoo kabteen, sida ay sheegtay Johns Hopkins University.

Hadalsame Media