SAWIRRO: DF Somalia oo gargaar cusub ka dejisey magaalada Beledwayne

0

(Beledwayne) 10 Maajo 2020 – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta udirtay diyaarado siday agab loogu talagalay in caro tuur loogu sameeyay goobaha laga cabsi qabo inuu wabiga shabeellle fataahaad uu ka sameeyay ee Magaalada Beledweyne.

DF Somalia oo eedayn ka wajahaysey kaalmada ay halkaa horay u gaarsiisey oo aad loo saluugayey ayaa la sheegay inay ugu yaraan 6 dayuuradood halkaa ka dejisey, sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Diyaaradahan oo ku shixnadan agabyo kala geddisan ayaa goor dhoweyd caga dhigtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Marka laga tago agabka waxaa diyaarada la socday Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Khayrre waxaana ka horeysay diyaar kale oo ay Dowladdu halkaa gaarsiisay todobaadkii lasoo dhaafay iyo wafdi balaaran oo qiimeyn ku soo sameeyay, waloow DF lagu eedeeyay inaysan bixin lacago ay horay u ballan qaadday.

Webiga Shabeelle ayaa Sanadkii 2018 fatahaad qasaaro  geystay ka sameeyay magaalada Beledweyne iyadoo ay ku bur bureen nolosha dad badan oo xoogsato ahee ku nool magaalaadasi waxaase markale soo wajahday cabsi xooggan ka dib markii uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid Magaalada.

Hadalsame Media