Caqabad soo wajahdey soo noqoshada tababarka kooxaha EPL (Kulan berri loo ballansan yahay & waxa dhacay?)

0

(London) 10 Maajo 2020 – Laacibkii 3-aad oo Brighton ah ayaa laga helay cudurka coronavirus wax la sheegay inay caqabad ku noqon karto qorsha dib loogu bilaabi rabo Premier League.

Naadigan ka dhisan xeebta koonfureed ee Ingiriiska ayaa xaqiijisay kiis kale oo laga helay qof ka tirsan shaqaaleheeda, todobaad uun kahor xilliga lagu wado in dib loogu soo noqdo tabbarka kooxaha EPL.

Waa kiiskii 3-aad kaddib laba kiis oo kooxdaa laga kala helay 26-kii Maarso iyo 2-dii Abrii.

‘Tiiyoo aynaan weli wax tababar kooxeed ah bilaabin ayaan helnay kiis kale,’ ayuu Agaasimaha Guud ee Brighton, Paul Barber goor dhow u sheegy Sky Sports News.

Berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in saamileeyda 20-ka kooxood ee duullimaadka 1-aad ay kulan ka yeeshaan dib u bilaabista tababarka kooxeed oo lagu wado in loo muddeeyo 18-ka bishan Maajo, si horyaalku usoo noqdo horraanka Juun.

Hadalsame Media