DAAWO: ”Meeshaan saf lama galo ee sunuud ayaa ka shaqaysa!” – Arag xarunta ugu musuqa badan Gobolka Banaadir

0

(Muqdisho) 09 Maajo 2020 – Xarunta Dad Dhigista Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay musuq baahsan iyo wax is daba marin ay ku sameeyaan adeegga ay shacabka u qabtaan.

Barnaamij wareed ay arrintan ku daba gashay Idaacadda Kulmiye ayaa soo saartay arrintan ah in dadka laga qaado lacag ka baxsan midda u go’an adeegga, taasoo qofkii bixiya loo hormariyo soo saarista kaarka dhalashada.

Dadka ayaa bixiya ilaa 30 doollar oo dheeraad ah, iyadoo qofkii bixiya wixiisa bannaanka loogu keenayo muddo saacad ka yar, halka ay safka ku saxariirayaan ama maalmo badan iska soo daba noqonayaan dadka shacabka ah ee wax ku raba sicirka caadiga ah.

Dadka ayaa sheegay in shaqaalaha Xarunta ka shaqeeya ayay sheekada isla wada og yihiin, iyadoo la iska indha tiro qofkii aan bixinin kharashkan dheeraadka ah oo loo yaqaanno ”fududayn ama af-garad.”

”Hadda bannaanka ayaan ku sugayaa, lacagtiina waa bixiyey, waxaan sugayaa warqaddii.” ayuu idaacadda ku yiri qof meesha joogey.

Xarunta ayaa la sheegay inuusan safku micne ka lahayn, balse ay sunuuddu dadka kala sarraysiinayso, iyadoo qofkii lacagta dheeraadka ah bixiyaa aanu u baahnayn inuu saf isku dhibo oo wixiisa faraha laga saarayo.

Xarumaha DF iyo Maamullada dalka ayaa inta badan lagu eedeeyaa musuq, ku takri fal awoodeed iyo xilkasnimo baahsan oo dhanka maamulka ah.

Hadalsame Media