”Itoobiya waxay la safatay Somalia!” – Sida ay shacabka Kenya uga falceliyeen qirashada Itoobiya ee shilkii Berdaale (Arag jawaabaha)

0

(Nairobi) 09 Maajo 2020 – Wargayska Daily Nation ayaa soo qaatay warka ku saabsan qirashada Ciidamada Ethiopia oo sheegay inay si kama’ ah usoo rideen dayuuraddii African Express ee gargaarka u siddey Berdaale oo ay sheegeen inay ‘ku khaldameen’.

Warbixin hordhac ah oo kasoo baxday AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada jooga Berdaale ee Itoobiyaanka ihi ay dayuuradda u maleeyeen mid ”is miidaamin rabta.”

Yeelkeede, shacabka Kenya ee warkan ka fal celinayey ayaa jawaabo kala geddisan ka dhiibtey sida ay u arkaan arrintan, iyadoo aysan sanidihii yaraa ee dambe isku wanaagsanayn labada dal.

”Itoobiya hadda kaddib walaal nooma aha, waxay nooga hiilliyeen Somalia oo ay difaacayaan, waxaana ugu wacan siyaasad dibadeedka liidata ee Kenya.” ayuu mid ku war celiyey.

”Waa shil caadi ah oo meel kasta ka dhaca, magdhow ka bixi, kana soco oo yaysan mar dambe dib u dhicin.” ayuu midkood yiri.

”Itoobiya waxay isku dayaysaa inay Somalia sii ahaato meel iyaga uun ku tiirsanaata iyagoo ka jaraya saanadda daruuriga ah.” ayuu ku kale ku jawaabey.

”Miyaysan Itoobiyaanku lahayn wax ay duullimaadyada kula socdaan, casrigaan dayuurad iskama soo ridi kartid maxaa yeelay waad ka shakisay uun, gaar ahaan xilli la haysto FlighRadar24.” ayuu mid kale ku dooday.

”Waxay muujinaysaa qar iska tuurnimada Itoobiyaanka, abidkay ma maqal dayuurad gobolka isku miidaamisay.” ayuu ku kale soo gocday.

”Waa ciidan xaafadeed Itoobiyaanku, sidee dayuurad rayid ah iskaga ugu soo ridaysaa, kaliya waa ka shakiyey?” mid baa is waydiiyey.

”Waagii Moi Itoobiya kuma dhicin arrintaan, beri dhowayd xadka ayay nagu xabadeeyeen, haddana dagaal ayay noo caddaysteen, haddaad i waydiiso.” ayuu ku kale soo jeediyey.

Halkan hoose ka eeg jawaabaha…

Hadalsame Media