Kenya oo iska xirtey xoolaha Somalia (Shuruud ay ku xirtey dib u furistooda & sababta xirista)

0

(Nairobi) 08 Maajo 2020 – Wasaaradda Beeraha, Xoolaha Nool, Kalluumaysiga iyo Iskaashatooyinka Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday inay xirtey suuqyada xoolaha ee ku yaalla xadadka ay la wadaagto Somalia iyo Tanzania si ay u xakamayso cudurka COVID-19.

Anne Nyaga, oo ah agaasime ka tirsan Wasaaradda ayaa sheegtay in ay suuqyadaasi ka xirnaanayaan dhanka Kenya tan iyo muddo aan la cayimin.

Nyaga ayaa sheegtay in sababta ay go’aankaa u qaateen uu yahay in 9 kiis oo COVID-19 oo dhowaan laga helay Wajeer ay gebigood ka yimaadeen dhanka Somalia.

Waxay ganacsatada xoolaha ku boorrisey inay raacaan tilmaamaha lagu xakamaynayo durayga dilaaga ah ee COVID-19 sida kala sikashada, gacma dhaqa iyo qaadashada gafuur saabka.

Waxay sheegtay in marka ay suuqyadu dhaqan geliyaan tilmaamahaa caafimaad oo ay hubaal ka dhigaan in la isku hallayn karo hannaankooda faya-dhowr dib loo furi doono.

Nyaga ayaa dhanka kale sheegtay in xayiraaddani aanay saamayn doonin kawaannada maxalliga ah iyo silsiladda sahaydooda oo ay caadi u shaqayn doonaan, waloow ay xoolo badani uga iman jireen xagga Somalia.

Hadalsame Media