Xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Eastleigh oo handaraab gaar ah lagu soo rogey (Muddada & goobaha xirnaan doona)

0

(Nairobi) 06 Maajo 2020 – Dowladda Kenya ayaa soo rogtey handaraab gaar ah oo lagu joojinayo gebi ahaanba dhaqdhaqaaqa xaafadda Eastleigh iyo qaybaha qadiimiga ah ee Mombasa, kaddib markii ay halkaa ku kordheen kiisaska COVID-19.

“Ma jiri doono wax dhaqdhaqaaa ah oo gelaya ama kasoo bixi kara Eastleigh iyo Old Town oo Mombasa ah wixii ka bilowda 7-da fiidnimo ee caawa muddo 15 maalmood ah,” ayuu yiri Xogahaya Caafimaadka, Mutahi Kagwe.

Kagwe oo shacabka xo-siinayey ayaa sheegay in ay jiraan ilaa 47 kiis oo cusub, taasoo kiisaska guud ka dhigaysa 582.

“Waan idiinkaga digey inay kiisasku kordhi doonaan, waana u jeeddaan inaan hayno kiisas hor leh,” ayuu ku dooday.

Kagwe ayaa sheegay inay “labadan meelood walaac gaar ah ku hayaan”, isagoo sidoo kale caddeeyey inay xirnaan doonaan makhaayadaha iyo dukaamadu.

Gaadiidka Dadwaynaha ayaa sidoo kale goobaha la sheegay ka xirnaan doona.

Hadalsame Media