SAWIRRO: Ciidamada Xaftar oo weerar hor leh lagu qaaday (Saldhig istaraatiji ah oo uu 6 sano kasoo duulayey oo laga qabsan rabo)

0

(Tripoli) 06 Maajo 2020 – Ciidamada Dowladda la aqoonsan yahay ee GNA ayaa madaafiicda goobta ku harqiyey saldhig muhim u ah ciidamada LNA ee hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar.

Saldhiggan oo 125km galbeedka kaga beegan caasimadda Tripoli ayaa ah xarunta ugu wayn dhanka agaasinka weerarrada LNA ee ku jihaysan galbeedka Libya.

Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al Watiya ayaa ahaa halka uu Xaftar ka abaabulo weerarradiisa ka dhanka ah Dowladda Libya iyo halka ay sahaydu usoo marto ciidankiisa, tan iyo markii uu qabsaday 2014-kii.

“Iska hor imaado ba’an ayaa ka soconaya agagaarka saldhigga,” ayay ilo ciidan Turki ah oo is qarinaya u sheegeen Anadolu.

Haddii ay GNA qabsadaan al-Watiya waxay jug istaraatiji ah u gaysanaysaa Xaftar, oo bilowgii bishan Ramadaan sheegay inuu ogol yahay xabad joojin, balse waxaa la sheegay inay taa ugu wacan tahay isaga oo looga itaal roonaaday dagaalladii ugu dambeeyay.

Hadalsame Media