FADEEXAD CUSUB: Gal cod ah oo ku saabsan ciyaar muran dhalisay oo dhexmartay Inter-Juve oo la waayey (Daawo waxa dhacay)

0

(Roma) 03 Maajo 2020 – Dacwad oogihii hore ee xiriirka KC Talyaaniga ee FIGC, Giuseppe Pecoraro, ayaa daboolka ka qaaday in uu maqan yahay cod VAR ah oo laga qabtay ciyaartii muranku ka dhashay ee Inter-Juventus ee 2018.

Waxay ahayd ciyaar muhim u ahayd horyaalkii 2017-18 gaar ahaan hardanka Scudetto, iyadoo ay kooxdii Maurizio Sarri ee Napoli daawanaysey Juve oo gadaal kasoo noolaatay si ay Inter ugu dhufato 3-2 garoonka28-kii Abriil, 2018.

Dad badan ayaa isku waafaqsan in Miralem Pjanic uu xaq u lahaa jaalle 2-aad iyo roose xigey marka la eego faawalkii uu ku galay Rafinha, tiiyoo ay jirto in Matias Vecino oo Inter ah rooso loo taagey markaa kahor.

Pecoraro ayaa hadda u sheegay Il Mattino inuu la kulmay wax uu la yaabay markii uu isku dayey inuu arrintan baaro.

“Waxaa ciyaartaa Inter-Juventus qabanayey Daniele Orsato,” ayuu yiri Pecoraro, oo xilka ka tegey Diseembar 2019-kii.

“Waxaa nasoo gaartey cabashooyin, deeto waxaan isku dayey inaan baaritaan furo. Waxaan jamciyadda Garsoorayaasha Talyaaniga ee AIA iyo Lega Serie A waydiistey inaan helo codka wada sheekaysigii VAR ee dhex maray garsoorayaasha ciyaartaas,” ayuu yiri.

“Waxaa galalkii codka ahaa la i siiyey bilowgii horyaalka ku xigey, balse yaab ayaa la socdey…

“Markii aannu galalkii codka ahaa furnay waxaa ka maqan codka sheekadii Orsato iyo VAR ee ku saabsanaa in Pjanic rooso leeyahay iyo in kale, kaasoo ahaa codka aan xiisaynayney.

“Markii aan sababta waydiiyey waxay igu yiraahdeen ma hayno, waana intaasba. Waxaan u baahan nahay daah-furnaan.” ayuu yiri.

Juventus ayaa sanadkaa horyaalka ka qaadatay Napoli iyadoo qaadaysey tan iyo 2012-kii, waloow uu fasal-ciyaareed kasta xambaarsan yahay kun muran oo dhanka garsoorka ah.

Hadalsame Media