KAROONAHA KADDIB: Saxaafadda Galbeedka oo qireeysa inuu Turkigu hal arrin uga adkaan doono iyaga (Sabab?)

0

(Ankara) 02 Maajo 2020 – Turkey ayaa la sheegay inuu noqon doono dalka dalxiisku doorbido inta ka harsan sanadkan 2020, taasoo ay ugu wacan tahay sida uu dalku ula xaalay cudurka faafa ee COVID-19 iyo weliba qorshaha xiga ee uu ugu tala galay badbaadada dalxiiska qalaad, sida uu sheegay hilinka Jarmanka ah ee Welt-TV.

Hilinka ayaa sheegay in dalalka dalxiiska kula tartama Turkiga, sida Italy, Spain iyo France aan cidna dhaqse iskugu biimayn doonin halista ka jirta weli darteed, ilaa dhamaadka sanadkan ugu yaraan, gaar ahaan dalxiiska caalamiga ah.

Barnaamijka TV-ga ayaa sheegay in Turkigu uu si wanaagsan u qaaday dhanka maaraynta abaabulan ee COVID-19, isagoo haysta faa’iidooyin ay ka mid yihiin inuu bixiyo shahaadooyin caafimaad iyo in si joogto ah loo muraaqibeeyo meelaha iyo gobollada dalxiiska, marka la gaaro dhamaadka bishan Maajo.

Wasaaradda Dalxiiska ayaa soo rogtey hab-raacyo dhowr ah, waxaana lagu wadaa inay hoteelladu joojiyaan “buffet-yada furan ee ay dadku cuntada iyagu gurtaan intii ay doonaan”, waxaa sidoo joogto loo baari doonaa shaqaalaha makhaayadaha, waxaa sidoo kale dhakhaatiir loo ratibi doonaa hoteellada oo dhan, sida uu sheegay Bulut Bağcı, oo ka tirsan World Tourism Forum Institute.

WTTC ayaa sheegay in 50 milyan oo shaqo la waayi doono, iyadoo ay safarrada caalamku hoos u dhici doonaan 10.5%, gaar ahaan Aasiya.

Hadalsame Media