Soomaali gargaar aad loogu farxay ka qaybisay dal aan Soomaalida laga jeclayn + Sawirro

0

(Hadalsame) 02 Maajo 2020 – Ganacsato Soomaaliyeed ayaa todobaadkan laba gaari oo kuwa taraagga ah oo ay cunto kala duwani ka buuxdo ka qaybiyey Arme Mense oo ka tirsan Kraaifontein, sida uu faafiyey dailyvoice.

Dadka ayaa isku daray sawaxan ka kooban farxad iyo sacab kaddib markii ay gawaaridu soo gaareen Saldhigga Booliiska Kraaifontein, oo raashinka lagu qaybiyey si nabdoon.

Todobaadyadii tegey waxaa aad u kordhay dadka jidka u istaagaya gawaarida raashinka sida ee boobaya, waxaana dadka ay Soomaalidu kaalmadan gaarsiisey ka mid ah 600 oo qoys oo ku dhaqan min Bloekombos ilaa Wallacedene – oo ah meelaha ay dembiyadani ku xooggan yihiin.

Waxaa raashinka ay Soomaalidu qaybisay ka mid ah; sonkor, soor shiidan (mielie), basal, bataati, khudaar iyo cabitaanno.

William Atkins oo reer Scottsville ah ayaa yiri: “Waa cajiib in aan aragno dukaanleeyda Soomaalida oo u istaagey caawinta bulshooyinka Wallacedene iyo Bloekombos.”

Hadalsame Media