DHEGEYSO: ”Ma fahmi karo xitaa awaamiirta sahlan!” – Jahawareer lasoo dersey dad kasoo kabtay Covid-19 (Cabsi hor leh)

0

(Hadalsame) 02 Maajo 2020 – Bukaan socodka uu sida xooggan u asiibay cudurka covid-19 ayay qaarkood la soo gudboonaataa xaalad jahwareer, hase yeeshee culimada aaney wax sharraxaad ah u heyn, sida ay sheegtay Idaacadda Sweden.

Erik Forsberg, oo 36 jir ah ayaa sheegay in aannu garan sababta uu u garan waayay tilmaamaha sahlan ee la siiyo sida inuu saxanka cunnada soo qaato kolkii uu ku jiray xaruntii daryeelka joogtada ah ee karantiinka ee cusbitalka Gävle.

”Waan isla keeni waayey sidii aan saxanka usoo qaadan lahaa, waxaana dhacday inaan haraati ku dhufto saxankii,” ayuu yiri bukaan kasoo kabtay cudurka Covid-19.

Hadalsame Media