Ruushka oo Suuriya ku ”siray” hannaan difaac cireed oo aan saaxi u shaqaynayn (Shiinaha oo…)

0

(Dimishiq) 01 Maajo 2020 – Ciidamada Suuriya ayaa cambaareeyey waxgalnimada gantaalaha uu Ruushku sameeyo ee S-300, kuwaasoo ay sheegeen inay waxba ka qaadi la’yihiin dayuuradaha Yuhuudda, sida uu weriyey Avia.pro.

Ciidamada Suuriya ayaa Ruushka gaarsiiyey in xitaa raadaarka la socda S-300 iyo hannaanka dab-xirka sameeya ee Pantsir-S ay waxba ka tari waayeen gantaalaha kuruuska ah ee Israel.

Hannaannada kale ee Ruush sameega ah ee daafaca cirka ayaa la sheegay inayba yihiin “dib u socod hubban”, sida S-125, Osa iyo Igra.

Raadaarrada shaqeeynaya ee ay haatan Suuriya haysato ayaa la sheegay inay yihiin kuwa uu Shiinuhu siiyey oo uu isagu sameeyay, sida raadaarka fogaan aragga ah ee JY-27 iyo hannaanka JYL-1 oo uu wehliyo LLQ120 oo isagu arka bartilmaameedyada joogga hoose ku socda.

Mararka qura ee ay gantaalaha Ruushku wax u tareen waa marka ay wax ku arkaan raadaarradan Shiinayska ah oo la sheegay inay sabab u noqdeen inay arkaan dayuuradaha Israel, taasoo markaa ciidamada Suuriya ka caawisay inay si dhaanta u adeegsadaan gantaalaha Ruushka, waxaana xalku haatan u muuqdaa inay is raaciyaan labadooda.

Ma aha markii ugu horreeysey ee uu hubka Ruushku wax u tari waayo Suuriya, balse waxay sidan oo kale dhacday xilliyadii Bacthiga ee 1960 ilaa 1980-kii, xilligaasoo ay Soofiyeetku hubayn jireen Suuriya oo dagaallo lagaga adkaaday kula jirtey isla Israel.

Ruushka ayaa horay Israel uga aqbalay in aanu Suuriya siinin gantaalaha difaaca cirka, balse wuxuu moowqifkaa bedeley markii ay Yuhuuddu kasoo ridey dayuurad basaas ah oo uu isagu laha, ha yeeshee, Israel ayaa markii ay doonto haatan iska duqaysa xitaa caasimadda Dimishiq.

Hadalsame Media