”Khayraadka ugu muhiimsan Afrika wuxuu ku jiraa Bariga Afrika!” – Maraykanka oo kashifay sababta ay Shiinaha & Ruushka ugula hardamayaan Somalia, qaar kale

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2020 – Danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia, Donald Yamamoto, ayaa waraysi dheer oo uu siiyey hay’adda cilmi baarista ku sameeysa arrimaha argagixisada ee Combating Terrorism Center ayaa ka hadlaya arrimo badan.

Halkan ka dhegeyso waraysiga oo dhan

CTC ayaa Danjiraha waydiisey sida uu u arko tartanka ay awoodaha waawayn ugu jiraan guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika?

Yamamoto: Eray bixintu hadda ma aha “awoodaha waawayn” balse “waa awoodaha caalamiga ah” ha yeeshee, xitaa isbeddelkan awoodeed oo jira waa inaan xag-jirkan la dagaallannaa min Boko Haram oo Nigeria ah, ISIS oo Galbeedka Afrika iyo Saaxil ah iyo al-Shabaab.

Marka ay timaado hardanka nagala dhexeeya tartamayaal ay ka mid yihiin China iyo Russia, waxa ay diiradda saarayaan waxaa ka mid ah khayraadka Bariga Afrika. Maxaa yeelay haddii aad mustaqbalka eegto, kaydka ugu wayn ee macdan-dhuleedka naadirka ah iyo biraha culusi waxay ku jiraan Bariga Afrika.

Telefoonnadiinna oo dhan, walxaha laga sameeyo hubka heerka sare oo dhan waxaa la helaa Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika.

Taasina waa sababta Maraykanka halkaa loogula tartamayo; taasi waa sababta aynu qaaradda u eegayno. Ma waxay kula tahay inay dan ka leeyihiin Afrika? Iska illoow. Dan kama laha. Waxa ay kaliya doonayaan khayraadkeeda. Sabab? Maxaa yeelay khayraadku wuxuu fure u yahay horumarkooda dhaqaale.

Gaar ahaan Somalia, waxa aan doonaynaa inaan xasilinno si aysan u noqonin xarun argagixiso ama meel soo saarta qaxooti caalami ah, annagoo quwadaha waawayn u sheegayna inaysan khayraadka ka dhamaysan ama ka wada dhuuqin qaarada, waayo ujeedkoodu waa inaan Afrikaanku khayraadkooda in badan ka faa’iidaysan.” ayuu Yamamoto oo wax badan kashifay qaarna siyaasadeeynaya kusoo koobay jawaabta.

Hadalsame Media