Maraykanka oo dalbaday 10 markab oo leh aalado casri ah (Halka uu ugu tala galay)

0

(Washington, DC) 01 Maajo 2020 – Ciidamada Badda Maraykanka ayaa qandaraas la galay sharikadda Wisconsin saldhigata ee Fincantieri Marinette Marine (FMM) oo ay ka doonayso inay u dhisto 10 markab oo cusub oo ah nooca loo yaqaan frigates, sida ay sheegeen U.S. Navy.

Maraykanka ayaa sheegay in maraakiibta noocan ihi ay ku firfircoon yihiin badaha yar yar, ayaa doonaysa in loo dhiso maraakiib jiilka cusub ah oo sida gantaalaha la hago, wuxuuna ku kacayaa ilaa $5.6 bilyan oo doollar oo lagu dhisayo 10 markab oo lagu diyaarinayo muddo 15 sanadood ah.

Ciidamada Badda ayaa sheegay in “Maraakiibtani waxay xambaarsan yihiin gantaalaha la hago oo lahaan doona awoodo kala duwan sida daafaca cirka, caabbinta gujisyada, maraakiibta iyo dagaallada elektaroonigga ah.”

Waxaa lagu xiray raadaarka EASR oo lasii casriyeeyey iyo hannaanka Aegis, iyada oo uu qorshaha iibku bilowday 2017-kii.

Marinette Marine ayaa qandaraas hoosaad siisay afar shirkadood oo kale oo maraakiibta dhisa sida mid Alabama-deggan ee Austal USA, Bath Iron Works oo Maine ah, Huntington Ingalls iyo Lockheed Martin oo saldhigta Mississippi.

Hadalsame Media