”Orod iska dhici karoonaha kula degey!” – Shiinaha oo isagoo ku diganaya baddiisa xoog uga cayriyey markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay!

0

(Beijing) 29 Abriil 2020 – Markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay ayaa “laga cayriyey” biyaha badda South China Sea kaddib markii ay Beijing halkaa u dirtay miigag iyo maraakiib dagaal, iyadoo Washington ku eedaysay in fal “daandaansi ah” halkaa ka waddo.

Markabka USS ‘Barry,’ oo ah maraakiibta xambaarsan gantaalaha la hago, ayaa “kusoo xad-gudbey” biyaha maxalliga ah ee geyiga Beijing meel u dhow gasiiradda lagu muransan yahay ee Xisha Islands – oo sidoo kale loo yaqaan Paracel Islands – Talaadadii, sida ay Sheegeen Ciidamada Badda Shiinaha ee People’s Liberation Army (PLA).

Shilkani wuxuu tusmaynayaa markii ugu horreeysey ee ay Ciidamada Baddu ay si “firfircoon ugu dhawaaqaan” in sharci darro lagu soo galay aaggaasi, sida ku qoran Global Times.

“Maraykanku wuxuu si halis ah ugu tuntay Xeerka Caalamia ah iyo madax bannaanida geyi iyo danaha amaan ee Shiinaha,” ayuu yiri Gaashaanlaha ruug caddaaga ah ee Li Huamin, oo afhayeen u ah Taliska Qaybta Koonfureed ee Ciidamada Badda Shiinaha, isagoo sheegay inay arrintani ”khatar” horseedi kari lahayd.

”Waxaannu Maraykanka ku boorrinaynaa inuu diiradda saaro la dagaallanka duraygan dalkiisa ku faafaya (Covid-19), isla markaana uu joojiyo ficillada ciidan ee wax u dhimaya amaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayaa lagu yiri qoraalka oo digasho u muuqda.

Hadalsame Media