DAAWO: ”Dadka karoonaha qaba si kas ah ayaa loo KHAARAJIYAA!” – Gabar kashiftay waxa ka socda isbitaallada New York (Arrin murugo leh)

0

(New York, NY) 29 Abriil 2020 – Gabar kalkaaliso ka ah New York oo ka mid ah dadka jiidda hore uga jira la hardanka coronavirus ayaa sheegtay in dadka bukaanka kas loo dilo.

‘Waa sida filim bahal-bahal ah,’ ayay ku tiri saaxiibta muuqaalka hoose soo duubtay iyadoo raacisay. ‘Mana ah cudurka, balse waa sida loo maareeynayo.’

Waxay sheegtay in qaraabada dadka buka ay ogaadaan in qofka mashiin la iska saarayo isla marka isbitaalka la geeyo kaddibna halkaa looga tegayo, iyadoo sheegtay in kalkaaliso ka shaqeeysa New York ay ku dhiirri gelisey inay arrintan dadka adduunka la wadaagto.

‘Dadku waa dhimanayaan cid dan ka lihina ma jirto. Way dilayaane ma caawinayaan,’ ayay raacisay saaxibadda oo muuqaal soo dhigtay YouTube oo ay saaxiibadda ay soo xiganaysaa ku adeegsanayso in dadka la khaarajinayo.

‘Bukaannada waa laga tagaa si ay u dhintaan — Dadka waa la khaarajinayaa cid dan ka lihina ma jirto.’ ayay tiri.

Hadalsame Media