”Maxaa loola jeedaa?” – Turkiga oo Somalia kasoo saaray war dad badan dareen geliyey!

0

(Ankara) 29 Abriil 2020 – Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay war aan si saaxi ah loo fahmin oo dareen cusub geliyey Soomaalida.

Wasiirka ayaa sheegay inuu maanta khadka la iska arko uga qayb galay kulan heer sare ah oo ku saabsan Somalia, kaasoo uu soo agaasimey Ururka Midowga Afrika.

”Waxaa looga arrinsaday sidii la isugu gayn lahaa taageerada marxaladda kala guurka ah iyo geeddi socodka nabadeed kaddib cudurka Covid-19.” ayuu yiri Wasiirku.

”Had iyo goor waannu garab taagnaan doonnaa dalka ay saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Somalia.” ayuu daba dhigay.

Dad badan ayaa fasiraado badan ka bixinaya hadalka wasiirka iyagoo is waydiinaya waxa uu caalamku ka hadlayo ee loo muddeeyey karoonaha kaddib.

Waxaa kale oo la is waydiiyey geeddi socodka nabadeed, maadaama ay kelmaddaasi ahayd tibix caan ahayd xilliyadii ay Somalia dowlad la’aanta ahayd, ama ay ka jireen dowladihii KMG ahaa.

Dad kale ayaa ku micneeyey inay wax badani iska bedeli karaan arrimaha DF Somalia iyo Somaliland, taasoo wada hadalkeeda mar kale la madlay.

Si kastaba, warka Wasiirka ayaa dad badan ku dhaliyey inay ka fikiraan waxa uu warkiisan baaqaysan (coded) daarran yahay.

Flag of Turkey

Flag of Somalia

Hadalsame Media