Yaa bedeli kara Mr Kim? Safka dadka la saadaalinayo oo sii dheeraaday

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2020 – Waxaa soo baxaya warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqoooyi Kim Jong-un’.

Waxaa arrintan ka dhashay in su’aalo badan la is waydiiyo oo ay ka mid tahay cidda laga yaabo in ay badasho waqtiga dhaw amaba mustaqbalka fog.

Hadaba BBC ayaa la hadashay dad falanqeeya oo aanu wax ka waydiinay shaqsiyaadka safka hore ugu jira qabashada xilkaasi iyo in ay taariikhda u hiilin karto.

Ragga ka tirsan qoyska Kim ayaa tan iyo intii la asaasay xukunka qoyska Kim Il-sung 1948 -iyaga xukunka gacanta ku hayay islamarkana dhaqan ahaan waxaa qoyskan laga aaminsan yahayin si qota dheer ay ugu milantay maskaxda bulshada dalkaasi.

Borobagaadada ku saabsan sharafta iyo cisiga qoyskan ayaa ka soo bilaabanaysa caruurnimada iyo xitaa inta uusna qofka wax aqris gaarin.

Caruurta da’dooda ay aadka u yartahay ayaa marka ay iskuulada bilaabayaan waxay ku heesaan “Waxaan doonayaa inaan aragno hogaamiyaheena Kim Jong-un.”

Hadaba sidee ayay suragal ku tahay inay Kuuriyada Waqooyi sii jirto hogaamiyahan calaamada u ah la’aantiis?

Sidee madaxda sarsare iyo bulshadaba isu abaabuleen?

Jawaabta fudud ayaa ah: ma naqaan, waxa taa ka sii xiisa badan in iyaga xitaa aysan ogeyn, sababtoo ah horey arrintan oo kale uma aysan sameyn.

Waxaa mar walba jiray Kim…

Xilligii awoodda loo diyaarinayay Kim Jong-un ayaa waxay isticmaali jireen ereyga “Paektu Bloodline” si ay taasi gacan uga geysato sharciyaynta xukunkiisa

Paektu ayaa ah buur quraafaad la barakeysto oo sida la sheegay ah goobtii uu dagaalka jabhadnnimada ka bilaabay Kim Il-sung islamarkana ah goobta sida la sheegay uu ku dhashay Kim Jong-il.

Kim Jong-un qudhiisa ayaa goobtaasi aada marka uu doonayo in uu muujiyo muhimadda ay leeyihiin go’aanada siyaasadda ee uu gaaro.

Waxaa mar walba jira Kim dagay maskaxda iyo quluubta dadka Kuuriyada waqooyi.

Sidee ayay Kuuriyada Waqooyi u ekaanaysaa haddii aan la helin cid badasha Kim?

Kim Jong-un, oo ay da’diisu tahay 36, ayaa la rumaysan yahay in uu caruur leeyahay – balse wali aad ayay u da’a yaryihiin.

Waxaa la rumaysan yahay in uu leeyahay saddex caruur ah oo midka ugu wayn uu jiro 10 sano halka cunugga ugu yar uu jiro 3 sano.

Kim Jong-un qudhiisa ayaa lagu tirinayay in uu aad u da’a yaraa markii uu xukunka qabanayay oo ay da’diisu ahayd 27 sano jir.

Waxaa suuragal ah in ay soo ifbaxaan koox hoggaan ah oo sidii Vietnam, oo kale ah kuwaasi oo si wayn ula dhacsan waxyaabihii ay ka barteen asaasayaashii halkaana ka sii wada howlihii socday.

Dadka wax indha-indheeya ayaa qiimayn kara cidda qabanaysa xilalka muhimka ah islamarkana la socon kara macluumaadka sirdoonka ee hay’adaha muhimka ah .

Balse khubaradu ama sheegi karaan oo ma saadaalin karan qaabka ay isu soo tarayaan kooxaha, taasi oo aan ahayn cidda awoodda qabanaysa, balse ay tahay cidda qabanaysa qiyamka hay’adaha.

Mararka qaar agaasima ku xigeen ayaa ka awood badnaan kara madaxada hay’adaha.

Waa arrintaa midda sii adkeynaysa in la sii saadaaliyo hogaaminta Kuuriyada waqooyi.

Sadexda Kim ee haray

Waxaa jira saddex Kims oo ku lug yeelanaya hagaajinta hab siyaasadeedka Kuuriyada Waqooyi haddii uu lacala meesha ka baxo Kim Jong-un.

Qofka ugu horreeya waa Kim Yo-jong, oo ah Kim walaashiis ka yar.

Waxaa la sheegay in uu door bidi jiray aabaheed oo xitaa ka hadlay hibadeeda iyo sida iyada oo da’a yar ay u danayneysay siyaasadda.

Qaabka ay u dhaqanto waa mid diyaarsan, balse dad badan ayaa ka shakisan waaya aragnnimadeeda.

Wax badan ayaa laga qoray sida ay ugu dhawdahay walaalkeed Kim.

Kulankii Singapore ku dhex maray Trump iyo Kim iyada ayaa qalinka u dhiibtay islamarkana rogeysay warqadaha lagu saxiixay heshiiska.

Shirkii xigay ee ka dhacay Hanoi, waxay barbar taagnayd walaalkeed Kim.

Kama qeyb gasho kulanka golaha gaara go’aanada ugu sareeya, balse waxay xubin ka tahay golayaasha kale ee muhimka.

Waa haweenay, waxayna in ay dumar tahay sii adkeynaysaa inay qabato xilka ugu sareeya dalkaasi .

Kuuriyada Waqooyi ayaa ah dal ragga aad looga qadariyo gara ahaan marka ay timaado dhanka hogaanada sare.

In aad noqoto hogaamiyaha sare ee Kuuriyada Waqooyi aadna maamusho ciidamada ayaysan dad badan u arkin in ay tahay shaqo dumar.

Qofka labaad waa Kim Jong-chul, waa da’da ka wayn Kim Jong-un balse ma aha nin muujiyay in uu hami ka leeyahay siyaasadda iyo awoodda.

Midka ugu dambeeya waa Kim Pyong-il, oo ay isku aabo yihiin Kim Jong-il’ , balse aysan hooyo wada dhalin.

Hooyadii oo eedo u ah – Kim Jong-il’ ayaa u diyaarimnaysay in wiilkeeda uu noqdo qofka badalaya Kim Il-sung , balse way ku guuldareysatay ka dib markii uu ka galangal batay Kim Jong-il’

Kim Pyong-il ayaa loo diray dalalka Yurub sanadd 1979, halkaasi oo uu ka qabtay dhowr jago oo safiirnnimo, waxuuna dalka ku soo laabtay sanadkii aanu soo dhaafnay, taasi oo micnaheedu tahay in ay yartahay suurtagalnnimada uu door uga ciyaari karo siyaasadda Pyongyang.

Ninka labaad ee ugu awoodda badan K/Waqooyi

Waxaa jira shaqsiyaad kale oo udub dhaxaad u ahaa xukunka Kim Jong-un, balse way adagtahay in la ogaado cidda xiriirka wanaagsan la leh qoyska Kim iyo sida ay u tartami doonaan.

Mid ka mid ah dadkaasi waa Choe Ryong-hae, waa nin aad ugu dhaw Kim Jong-un, waxaa sidoo kale uu gudoomiya ku xigeen ka yahay guddiga arrimaha dalkaasi maareeya.

Sanadkii aanu soo dhaafnay waxaa uu noqday madaxwaynihii kowaad muddo 20 sano ah isaga oo badalay Kim Yong-nam oo aad u gaboobay.

Sidoo kale Choe Ryong-hae, waxaa uu kuuriyada waqooyi uu dhowr jeer u matalay wadaxaajoodyada caalamiga ah.

Choe waxaa u qabtay jagooyiin sarsare oo militari iyo waaxda hanuuninta oo xisbiga u qaabilsan dacaayadaha.

Choe waa ninka labaad ee ugu awoodda badan dalka Kuuriyada Waqooyi.

Madaxii hore ee sirdoonka ee siyaasadda u xuub-siibtay

Qofka kale waa Kim Yong-chol, oo ah janaraalkii waddada u xaaray shir waynihii dhexmaray Trump iyo Kim, islamarkana waxaa uu dhowr jeer la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Wxaa uu ahaa ninka u qaabilsan Kuuriyada waqooyi waaxda mideynta Kuuriya iyo xiriirka labada Kuuriya ka dhaxeeya.

Kim Jae-ryong, Waxaa uu xubin ka yahay guddiga maamula dalkaasi, sidoo kale waa rai’sul wasaaraha golaha wasiirada oo ah jago muhim ah.

Ma jirto wax badan oo ninkan laga yaqaano, balse waxaa uu ahaa xiddig soo ifbaxay sanooyiinkii u dambeeyay.

Jong Kyong-taek , waxaa uu masuul ka yahay waaxda ammaanka ee Kuuriyada Waqooyi oo baarta islamarkana fulisa ciqaabta siyaasadda.

Waxa ay sidoo kale laantan gacan ka gaysataa ilaalinta ammaanka hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Hwang Pyong-so, waa sargaal kale oo jagooyiin muhim ah ka soo qabtay Militariga islamarkana ka mid ah saraakiisha sarsare ee dalka.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media