Al Shabaab oo Ceelbuur ku toogatey dad ay basaasnimo ku eedeysay (Magacyadooda & dadka ay sanadkan oo dhan dishey)

0

(Ceelbuur) 29 Abriil 2020 – Kooxda Al-Shabaab ayaa Degmada Ceelbuur ku toogtey 3 qof oo ay sheegeen inay u ”basaasayeen” DF Somalia, sida warka lagu helayo.

Kooxdan ayaa sheegtay in 3-da nin ay u ”shaqeeynayeen” howlgalka AMISOM iyo Ciidamada Maamul-goboleedka Galmudug, kaddibna waa la toogtey.

Nimanka la toogtey waxay kala yihiin Axmed Nuurow Maxamed 23-jir, Bashiir Maxamuud Dheerow 22-jir, iyo Bashiir Axmed Cabdulle oo 50-jir ahaa.

Degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha ugu qadiimisan Somalia, ayaa iminka ka hartay degmooyinkii kale ee dalka kaddib markii ay la wareegeen kooxda Shabaabku.

Kooxda Shabaab oo badiyaa dad iskaga laysa inay basaas yihiin, ayaa 16-kii bishan Abriil 2020, waxay 6 nin ku khaarajiyeen Degmada Jammaame ee J. Hoose, kuwaasoo kala ahaa Aadan A, Aadan Cabdullaahi Xaaji, Cismaan Cabdulle Afrax, Xasan Xaafow Saneey, Cali Mad keerow iyo Hilowle Bashiir Aadan.

26-kii Jannaayo 2020-kii, Al-Shabaab ayaa toogtey Muuse Xuseen Siyaad oo 31-jir ahaa, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Guutada Danab ee ay tababareen Maraykanku, Xuseen Maxamed Cabdi Arsal oo 20 jir ahaa oo ay ku dileen Baar Sanguuni iyagoo ku eedeeynaya inuu ka mid ahaa Ciidamada Jubbaland.

Falliir Yaroow Cali oo 75-jir ahaa ayay isna dileen kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa Ciidamada KDF ee Kenya kaddib markii ay ka qabteen agagaarka Hoosingoow ee J. Hoose, iyagoo markii dambe ku diley Degmada Kamsuuma ee J. Dhexe.

Al-Shabab ayaa sidoo kale laayey dad badan oo rayid ah oo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin ama u shaqeeyaan DF Somalia.

Hadalsame Media