DAAWO: ”Khudaar haka iibsanina Muslimiinta!” – Xildhibaan Hindi ah oo lagu qabtay arrin ceeb ah!

0

(Deoria) 29 Abriil 2020 – Siyaasi ka tirsan xisbiga xag-jirka ah ee BJP MLA Suresh Tiwari ayaa la sheegay inuu dadka ku dhaqan Degmada Deoria uu ka codsaday inaysa khudaar ka iibsanin Muslimiinta.

Xildhibaankan oo laga soo doorto goob-doorasho ka tirsan Barhaj ayaa warkiisa ku faafiyey muuqaal uu dhigay baraha bulshada.

“Hal mid maanka ku haya, qof kasta si furan baan ugu sheegayaa, yaanu qofna khudrad ka iibsanin Muslimiinta,” ayuu ku yiri dadka iyo saraakiil dowladeed.

Xildhibaankan Tiwari ayaa waran sheegay markii uu todobaadkii tegey booqday xafiis uu ku leeyahay Barhaj Nagar Palika, halkaasoo ay sidoo kale joogeen saraakiil dowladeed.

“Kaddib markii aan maqlay inay jiraan dad ku candhuufaya khudaarta si ay u faafiyaan cudurka coronavirus, waxaan kula taliyey inaysan khudaar ka iibsanin… Marka ay xaaladdu caadi kusoo noqoto, ha go’aansadaan waxa ay rabaan,” ayuu si dhiirran u yiri MLA oo daliishanaya war fadhi ku dirir ah oo laga baahiyey Muslimiinta Hindiya.


Hadalsame Media