Beesha Caalamka oo soo dhoweysey heshiiskii Nairobi (Hal khalad oo ay xuseen)

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2020 – Dalalka daneeya arrimaha Somalia iyo QM ayaa soo dhoweeyey heshiis ay rag ka tirsan maamulka Jubbaland 23-kii bishan ku gaareen magaalada Nairobi.

Heshiiskaa ayaa waxaa Nairobi ku kala saxiixday MW Jubbaland Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xiddig iyo Seeraar oo iyaguna sheeganayey MW isla markaana ku midaysnaa Golaha Isbedel Doonka.

“Heshiiskani wuxuu u taagan yahay tillaabo loo qaaday dhanka xallinta murannadii ka aloosmey doorashadii Jubbaland ee bishii Agoosto taasoo ay ku qaybsameen saamileeyda iyo bulshada gobolku,” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo lagu faafiyey bogga Xafiiska QM ee Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in khilaafka taagan 18 bilood uu muujinayo muhiimadda ay leedahay inay Soomaalidu raacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Federaalka ah ee Somalia iyo midka gobollada.

Waxay dhinacyada Jubbaland oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, oday dhaqameedka iyo dadwaynaha ku boorriyeen inay wax ku dhisaan heshiiskii 23-kii bishan, islama markaana horay usii amba qaadaan wada hadallo wax wax dhisaya.

Dalalka qoraalkan ku saxiixan ayaa kala ah: Austria, Belgium, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, United Kingdom,  United States, iyo QM.

DF Somalia ayaan aqoonsanin doorashadii bishii Agoosto oo sii xumaysay muran u dhexeeyey Dowladda Dhexe iyo Axmed Madoobe oo ay ku eedeysay inuusan qabanin doorasho ansax ah.

Hadalsame Media