”Ahuru & Ruto waxay jar u degeen Raila!” – Ducaale oo kashifay sir culus oo dhowr qof ka caraysiin karta!

0

(Nairobi) 28 Abriil 2020 – Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya ee Aadan Ducaale ayaa durba muujiyey halka uu marayo heer-kulka doorashada Kenya ee 2022 isagoo sheegay inuu jiro “xeel sir ah” oo u dhaxaysa Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, oo sheegay inay u heshiiyeen hoggaamiyaha ODM ee Raila Odinga oo uu sheegay in lagu wado “dhagartii ugu darnayd noloshiisa.”

Warkan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii uu soo baxay war sheegaya inuu jiro isbahaysi siyaasadeed oo dhex mari doona ODM, Xisbiga Kenyatta ee Jubillee iyo xisbiga Kane ee wiilka MW hore ee Gideon Moi oo ay wehliyaan axsaab kale.

Yeelkeede, Md Ducaale ayaa ka digey in Odinga uu jug kama daal yahay oo aanu “taariikhda cashar ka baranin.

“Warkayga meel ku qorta, Jubilee mid bay noqon doontaa, Uhuru Kenyatta wuxuu taageeri doonaa William Ruto,” ayuu ku dooday Ducaale oo sidoo kale meesha ka saaray in la sameeyn doono dowlad midnimo qaran kaddib cudurka karoonaha, taasoo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Qaar ka mid ah xulufada siyaasadeed ee MW Kenyatta, oo ay ku jiraan MW Xigeenka Jubilee David Murathe, Barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru, Xildhibaannada Wambugu Ngunjiri (Nyeri Town) iyo Joshua Kuttuny (Cherangany) ayaa sheegay in Madaxwaynuhu uu xor u yahay in uu dowladdiisa wax ka beddelo markii uu doono oo aanay jirin wax ka hor istaagaya inuu sameeyo dowlad midnimo qaran, Md Ducaale ayaase taa diidey.

“Dastuurku ma ogolaanayo samaynta dowlad midnimo qaran. Xilliga qura ee aannu samaynay dowlad noocaas ah waxay ahayd 2008-dii. Dadkaasi waa inay runta arkaan.” ayuu yiri isagoo sheegay in ”Baba’ (Raila) laga yaabin doono oo jirto jar ay u degeen Uhuru iyo Ruto,”

Balse Guddoonka Qaran ee Xisbiga ODM, John Mbadi ayaa ganafka ku dhuftay dabuubta Ducaale.

“Wax sir ihi siyaasadda kuma jiraan. Siyaasaddu waa ajeendihii gadmi kara, runtiina qofkii siri u qarsan tahay maba sheego,” ayuu yiri Mr Mbadi.

“Marka aad sheegto inaad sir maaggan tahay, sirba meesha kuma haysid,” ayuu raaciyey, isagoo sheegay in 2022 ay sir iyo sir la’aanba muddo ka harsan tahay.

Siyaasadda Kenya oo inta badan ku dhisan qoowmiyado iyo dano khaas ah oo ay siyaasiyiintu ilaashayaan ayaan la ogayn in Ducaale meel wax ku ogyahay iyo inuu laftiisu iskaga dhex orday beer miinaysan.

Hadalsame Media