”Maanta ma is durtay!” – Trump oo eeday war uu sheegay & baraha bulshada oo looga jeexjeexay (Arag sawirrada)

0

(Washington, DC) 25 Abriil 2020 – Baraha bulshada ayaa si naxariis darro ah u rifaya MW Maraykanka ee Donald Trump kaddib markii uu sheegay in jeermis-dile la isku duraa dawo u noqon karo durayga dilaaga ah ee coronavirus.

Trump ayaa in jeermis-dilayaasha la isku duro kasoo jeediyey shirkii jaraa’id ee uu Khamiistii ku qabtay Aqalka Cad, taasoo soo dedejiyey inay digniino soo saaraan sharikaadka sameeya agabyada jeermisyada lagula tacaalo sida Dettol, baliijyada, chlorine-ta iwm, iyagoo dadka u sheegaya inaysan cabin ama isku durin.

Twitter ayaa waxaa qabsaday sawirro maad ah, iyadoo uu midkood sameeyey sawir macmal ah oo uu Trump wiil yar oo ku sugan White House Lawn waydiinayo, ‘Maanta ma isku durtay Dettol-kaagii?’

Arrintaa ayaana keentay inay jawaabi kasoo baxdo maamulka Dettol oo sheegay in ‘duruuf kasta oo dhacda aan la isku duri karin ama la cabi karin jeermis-dile.’

Weriyaha Ingiriiska ah ee Piers Morgan ayaa sheegay in wararka khaldan ee aalaaba kasoo baxaya Trump oo horayna u sheegay in Chloroquine-ta duumadu dawo u tahay Covid-19, aysan kaliya ahayn xog khaldan, balse ay dad iska khabar daar ihi ku dhiman karaan warka Madaxwaynaha.

Hadalsame Media