Sirdoonka Yuhuudda oo Falastiiniyiinta u adeegsanaya xeeladdii ugu halisnayd ee lagu dilayey shucuurtooda (Dad la qabtay)

0

(London) 25 Abriil 2020 – Xamaas ayaa hay’adda Sirdoonka Yuhuudda ee MOSAD ku eedeeysay inay daroogo geeyaan xeryahana qaxootiga Falastiiniyiinta ee Lubnaan Lebanon, sida ay qortay Quds Press.

Kulan ay yeesheen dhinacyada Falastiin, ayuu wakiilka Xamaas ee London, Ahmed Abdul-Hadi, wuxuu soo dhoweeyey tillaabo lagu xirxirey dad daroogada ka ganacsanayey oo xeryahaa lagu qabtay.

Abdul-Hadi ayaa hoosta ka xarriiqay in Mossad ay arrintan ku lug leedahay, iyadoo weliba daroogada halkaa ku gaysa sicir aad u hooseeya si looga haqab beelo ama ay u gaarto dad aad u fara badan oo danyar ah, si loo dilo damiirka, qiyamka iyo soo jeedka dadkaasi, loona baabi’iyo shuruurta wax iska caabin ee Falastiiniyiinta, sida uu sheegay.

Falastiiniyiinta ayaa olole ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Burj El-Barajneh, waxay Talaadadii kusoo qabteen dhowr daroogo iibiye, kuwaasoo ay ku wareejiyeen ciidamada Ammaanka Lubnaan.

Hadalsame Media