Tirakoob lama filaan ah oo kasoo baxay Bariga Afrika (Jabuuti & Somalia oo labalaab ka kiisas badan Itoobiya)

0

(Nairobi) 24 Abriil 2020 – Waxaa Afrika kusii faafaya caabuq sidaha Covid-19, waxaana dalalka ugu daran ka mid ah Jabuuti iyo Somalia marka Bariga la eego.

Bariga Afrika waxaa hoggaaminaysa Jabuuti oo laga diiwaan geliyey 986, waxaana soo raacaysa Somalia oo mareeysa 380, waxaa kusii xigta oo 3-aad taagan Kenya oo mareeysa 284 kiis.

Waxaa yaab leh in Itoobiya oo ka mid ah dalalka Afrika ugu dadka badan ay kala bar ka badan ka yar tahay dalalka aanu soo sheegnay oo idil waana 116 kiis.

Dhanka geerida waxaa ugu badan Kenya oo ay ku dhinteen 14, waxaana soo raaca Tanzania oo 10 iyo Somalia oo 8 ka xijaabatey.

Hadalsame Media