Hab-dhaqanka siyaasiyiin naq-raac ah oo u kala gooshaya Somalia–Itoobiya-Kenya oo khasab ka dhigaysa in dib loo eego qodob ku qoran Dastuurka Somalia (Faarax Macallin oo sharraxay)

0

(Hadalsame) 24 Abriil 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa sheegay in heshiis shalay la sheegay in uu Axmed Madoobe kula gaarey magaalada Nairobi ay umuliso ka ahayd Dowladda Kenya oo wadata dano gurracan oo halis ku ah amaanka qaranka Somalia.

Faarax Macallin ayaa is waydiiyey: ”Sidee sarkaal ka tirsanaa Liyu Police-ka Jigjiga uu maalinta xigta Xildhibaan uga noqonayaa Jubbaland? Taasi waa sababta ay guryaha uga iibsanayaan Nairobi iyo qurbaha halkii ay horumarin lahaayeen Jubbaland. Wayddii halka ay joogaan carruurtooda iyo qoysaskoodu. Waad yaabaysaa.” ayuu yiri.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in afarta nin ee heshiiska gashay aanu midkoodna ka imaanin Jubbaland, balse ay ka wada yimaadeen Gobolka Soomaali Galbeed oo hadda Itoobiya hoos taga, isagoo farta ku fiiqay in loo baahan yahay in gobol kasta wax laga waydiiyo dadka degaanka, kuwaasoo uu sheegay in hadda gees loo riixay.

”Wixii la wada leeyahay qof gaar u lihi ma jiro. Ma yeelan karno qaran dhan oo ay siyaasiyiin raacato ihi xafiisyo ku leeyihiin afar dal.” ayuu yiri Faarax.

”Waxaad tahay Soomaali, Jabuutiyaan, Itoobiyaan ama Kenyan, balse kulligood hal mar ma wada noqon kartid.” ayuu raaciyey.

Warkan Faarax ayaa dad badan u qurqursan, sababtu waxay tahay haddii 60-kii Dastuurka Somalia lagu qoray inuu qof kasta oo Soomaali ihi Somalia u dhashay, ujeedku ma ahayn Soomaali marna Itoobiyaan ah marna Kenyan ah ee waa qof ay ka go’an tahay inuu Somalia ku ekaado isla markaana mu’min ku ah midnimada Soomaaliwayn kuna dadaalaya, haddii kale waxay halis ku tahay qarannimada iyo amaanka Somalia sida maanta socota oo uu siyaasi Somalia xil uga qabanayo si gobol Somalia ka tirsan loo siiyo Itoobiya ama Kenya, marka waxaa la gaarey xilligii qodobkaa dib loogu noqon lahaa.

Tan kale, waxaa jirta in waxa la isla leeyahay ay yihiin labadii qayb ee woqooyiga & koonfurta, tan dambeba ha ugu sii badnaatee, balse dadka dhankaa ku nooli gobollada kale wax xuquuq ah oo metelaad iyo xukumid ah kuma laha, marka laga reebo wax yar oo qaab reereed ku yimaada, taasina ma aha istaraatijiyad haadsan oo la isku hallayn karo.

Hadalsame Media