Saxaafadda Kenya oo sheegtay cidda bilowday is rasaasayn shalay ka dhacday ”xadka” Somalia-Kenya (Sir dheeraad ah oo ay la kashifay)

0

(Mandheera) 23 Abriil 2020 – Waxaa shalayto xabbado is waydaarsadey Ciidamada Somalia iyo malliishiyaad ay Kenya wadato oo ku kala sugan magaalooyinka Soomaaliyeed ee Beled Xaawo iyo Mandheera.

Qoriga laga rido madaafiicda goobta ee RPG-7 (Seben) ayaa la sheegay inay kusoo jawaabeen ciidamada Somalia ee ku sugan ”xadka”, kaasoo sigay booliiska Mandheera, sida ay Kenya sheegatay.

“Tani waa daandaansi, balse xaaladda ayaan qiimaynaynaa,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Ismaamulka Mandheera, Onesmus Kyatha.

MALLIISHIYO AY KENYA GABBAAD SIINAYSO

Shilkan ayaa sida ay qabaan ilo amaan oo si dhow xaaladda ula socda waxaa u sabab ah oo bilaabay malliishiyaad ay Kenya taageerto, sida uu qirayo Daily Nation.

“Ciidamada Jubbaland waxay ku noqdeen halkii ay horay uga dhuumanayeen Border Point One waxayna u egtahay inay hubinayeen feejignaanta cadowgooda jooga ”xadka” dhankiisa kale,” ayay ishaasi ku tiri wargayska.

Malliishiyaadkan ayaa kaddib markii ay ka itaal roonaadeen Ciidamada Xoogga Dalka (SNA) 2-dii Maarso, waxay dib ugu gurteen Koromey oo bannaanka ka ah Mandheera, iyagoo halkaa muddo isku urursanayey, dhallinyarana ku tababarayey.

Talaadadii ayaa waxaa la arkayey ciidamadan oo iyaga oo ay gelbinayaan kuwa Kenya ee KDF, gaar ahaan unugta sahanka dheer ee Long Range Surveillance oo dhe maraya Mandheera iyagoo saldhigtay Border Point One.

Ciidamada Kenya ee KDF ayaa gudaha Somalia ku jira iyagoo sheeganaya inay u joogaan ”nabad ilaalin”, iyagoo wada dhaqamo si cad uga soo horjeeda amaanka dalka.

Hadalsame Media